Informasjon på somali

Warbixin ku socota waalidka oo ku saabsan Baaritaanka waalidka ee xannaanada carruurta. 

Waa maxay baaritaanka waalidka ee xannaanada carruurtu?

Ujeeddada laga leeyahay baaritaanka waa in ay waalidku fikraddooda ka dhiibtaan sida ay u arkaan deeqda xannaanada carruurta iyo sida ay carruurtu uga helaan xannaanada carruurta. Baaritaanku wuxuu xannaanada carruurta iyo mulkiilaheeda wax uga sheegayaa sida ay waalidku maqsuud uga yihiin deeqda xannaanada carruurta. Baaritaanka waalidka ee xannaanada carruurtu wuxuu ku siinayaa fursad aad fikraddaada uga dhiibato sida ay carruurtu uga helaan, wadashaqaynta guriga iyo xannaanada carruurta iyo waxyaalaha kale ee xannaanada carruurta ku xeeran. Waxaa baaritaanka loo isticmaalayaa sidii xannaanada carruurta horummar loo gaarsiin lahaa. Natiijaduna waxay gundhig u noqon doontaa sidii ay waalidka iyo xannaanada carruurtu uga wada hadli lahaayeen deeqda xannaanada carruurta.

Xannaanada carruurta ayaa baaritaanka soo diraysa. Xor ayaad u tahay in aad su’aalaha baaritaanka ka jawaabto iyo in kale, laakiin waxaan rajaynaynaa in aad ka jawaabto oo aad gacan ka geysato sidii ay xannaanada carruurtu sida ay hadda tahay uga sii wanaagsanaan lahayd. Haddii ay jiraan si’uaalo aadan doonayn in aad ka jawaabto waad ka boodi kartaa.

Baaritaanku wuxuu ka kooban yahay ilaa iyo 30 su’aalood, in laga jawaabana waxay qaadanaysaa ilaa iyo 5 daqiiqo.

Jawaabahaaga waa la xafidayaa

Agaasinta waxbarashada ayaa mas’uul ka ah in dhammaan macluumaadka shakhsiyaadka ee la soo aruuriyo in loo xafido si waafaqsan shuruudaha Xeerka macluumaadka shakhsiga (GDPR). Xeerar aad u adag ayaa ka yaalla in natiijada baaritaanka la tuso xannaanada carruurta laftigeeda, ama mulkiilaha xannaanada carruurta ama mas’uuliyiinta waxbarashada ee dawladda. Haddii jawaabaha la bixiyay ay yar yihiin, kuwaas la soo qaadan maayo. Sababta aan loo soo qaadanayn ayaa waxay tahay si loo yareeyo khatarta loogu jiro in toos loo garto dadka jawaabaha bixiyay.

Xannaanada carruurtu ma arki karto qofka iyo waxa uu ku jawaabay. Marka uu baaritaanku dhammaadana kombiyuutarka ayaa tirtiraya wixii isku xirayay jawaabtaada iyo magacaaga. Macluumaadka ka soo baxa baaritaanka weligood looma soo bandhigi doono si caam ah oo laga garan karo qofka waalidka ah iyo jawaabtii uu bixiyay. 

Natiijada baaritaanka waxaa lagu soo dari doonaa tirakoobka uu sameeyo Agaasinka waxbarashada, waxayna qayb ka noqon kartaa hawlaha degmada/guddoomiyaha gobolka ee lagu kordhinayo tayada xannaanada carruurta. Qaar natiijada ka mid ah ayaa tirakoob ahaan loogu soo bandhigi doonaa bogga barnehagefakta.no iyo bogagga tirakoobka ee Udir. Haddii macluumaadkii la soo aruuriyay la bixinayo si cilmibaaris loogu sameeyo markaas waxaa cilmibaarayaasha lagu soo rogayaa in ay u hoggaansamaan xeerarka agaasinka ee xafidaadda, waana in ay saxiixaan caddayn xog qarin.

Haddii aad su’aal qabto

Haddii aad warbixin intaan ka badan u baahan tahay la xiriir xannaanadaada carruurta. Waxaad sidoo kale warbixin badan ka helaysaa www.udir.no/undersokelser. Waxaa mas’uul ka ah Agaasinka waxbarashada: post@udir.no Waxaad sidoo kale ilaaliyaha macluumaadka shakhsiyaadka ee Agaasinka waxbarshada kala xiriiri kartaa personvernombud@udir.no.